Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Amara Culus duldhigay Musharaxiinta Xildhibaanada ah

Puntland oo Amara Culus duldhigay Musharaxiinta Xildhibaanada ah

0

Kolonyo uu la socday Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu celiyay Maanta  duleedka Garowe. Wararka ayaa sheegaya in loo diiday inuu gudaha magaalada la galo Ilaalo la socotay Wasiirka oo amnigiisa sugeysay oo kala yimid degmada Dhahar.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in Musharaxiinta xilalka Golaha Shacabka in aysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo ah, cidii sababo gaar ah uga maarmi weydana waxaa la faray inay la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland.

Ad
Previous articleRa”isul Wasaaraha Dalka oo Shir Gudoomiyay Shir Looga Hadlayay Doorashada G/Waqooyi (Sawiro)
Next articleFahad Yaasiin oo xilkii Farmaajo u Magacaabay La wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here