Home Wararka Somaliya Jubbaland Puntland iyo Jubaland oo Joojiyay Doorashadii Waa Maxay Sababtu?

Puntland iyo Jubaland oo Joojiyay Doorashadii Waa Maxay Sababtu?

0

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ayaa si dar dar leh uga socota qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho, waxaana ka haray maalmo yar waqtigii loo qorsheeyay in doorashada kusoo dhammaato.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hormuud u ah maamul goboleedyada dalka ka jira oo doorashada ka hirgaliyay labo deegaan doorasho, waxaana maamulkan u muuqdaa mid doonaya in doorashada kusoo gabagabeeyo kahor waqtigii loo qorsheeyay.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay aysan ka dhicin wax doorasho ah , waxaana labadan maamul aysan xitaa wali shaacin jadwal doorasho cusub oo dhacaya maalmaha soo aadan.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya in maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan daacad ka aheyn dardargelinta doorashada lagu heshiiyay, waxaana labadan maamul aysan wali diyaar u aheyn in doorasho ku qabtaan magaalooyinka Boosaaso iyo Garbahaarey.

Maamulka Hirshabelle ayaa noqday maamulkii labaad oo doorashada ku qabanaya meel ka baxsan magaalo madaxda, waxaana maamulka xalay shaaciyeen doorashada 13-kursi oo lagu dooranayo magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni oo dalka ka maqnaa mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa maanta lagu wadaa in uu dib dalka ugu soo laabto si uu uga shaqeeyo dardagelinta doorashada gollaha shacabka.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in doorashada xildhibaanada gollaha shacabka aysan kusoo dhamaan karin maalmaha yar ee bishan ka harsan, waxaana hada xildhibaanada la doortay aysan wali gaarin kala bar .

Ad
Previous articleDagaal Ka Dhacay Dhuusamareeb iyo Booliska Oo ka Hadlay
Next articleKhilaaf xoogan oo Soo Kala Dhexgalay Gudiga Doorashooyinka Hirshabeele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here