Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Ka Dhacay Dhuusamareeb iyo Booliska Oo ka Hadlay

Dagaal Ka Dhacay Dhuusamareeb iyo Booliska Oo ka Hadlay

0

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa kala taabcasan labo musharax oo u taagan kuraasta gollaha shacabka.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa dhax maray ciidamo ilaalo u kala ahaa Musharax Cabdulaahi Kulane Jiis oo ah sargaal katirsan NISA iyo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labada u taagan kamid noqoshada gollaha shacabka.

Ciidamada labadan musharax kala taabacsan ee dagaalamay ayaa la sheegay in dagaalkooda ka dhashay, kaddib markii ciidamo katirsan ilaalada Cabdiraxmana Cabdishakuur laga dhacay telfoono sidaasna uu isku dhaca ku bilowday.

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalada magaalada tahay mid degan , waxa uuna cadeeyay in dagaal uu dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada oo telfoono kala dhacay.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada booliiska ku guuleesteen in lasoo xiro ciidamadii dagaalamay, waxa uuna xusay in baaris kaddib askartii dambi lagu helo loo gudbin doono maxkamadda ciidamada si cadaaladda loo horgeeyo.

Taliyaha booliiska Dhoosomareeb kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Dhuusomareeb, waxa uuna uga digay musharaxiinta ciidamada badan la tagey Dhuusomareeb in aysan ka aqbali doonin in ay khal khal amni magaalada ka abuuraan.

Magaalada Dhuusomareeb ay ka socoto doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ayaa waxaa ku sugan musharaxiin ciidamo badan oo ilaalo ah wata, kuwaa oo deegaano kaka duwan kala yimid, waxaana magaalada laga dareemayaa xaalad ka duwan sidii hore.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo la kala safan labada dhinac ee Dhuusomareeb ku Hardamaya
Next articlePuntland iyo Jubaland oo Joojiyay Doorashadii Waa Maxay Sababtu?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here