Home Wararka Maanta P.M Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab...

P.M Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre oo maanta gaaray saldhigga ciidamada Ballidoogle, waxa uuna halkaasi ugu soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda Al Shabaab, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan iyo maalingalintooda, waxa uuna sheegay in ciidankan door muhiim ah uga jiraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab waxaa tababar siiya sidoo kale maalgalisa dowladda Mareykanka, waxa ayna ciidankan wada shaqeyn dhaw la leeyihiin ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Ad
Previous articleFaahfaahin ku saabsan Arday Soomaali lagu la’yahay dhulgariirkii Turkiga
Next articleDhulgariirka Turkiga: “Arday badan oo Soomaali ah ayaa ka qeylinayay dhismaha burburay hoostiisa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here