Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo Ka Shaqayn doona…

P.M Rooble oo Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo Ka Shaqayn doona…

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi cusub u magacaabay qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigaan ayaa ka kooban 16 xubnood waxaana loo igmaday inay si siman u xiriiriyaan hay’addaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta Xoriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu guddigaan magacaabi doona guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xoriyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cusmaan Abuukar Dube, ayada oo ku-xigeen uu ka yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur, halka ay xubno ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ad