Home Wararka Maanta Norwey oo Diiday isku soo bax lagu gubayi lahaa Kitaabka Quraanka Kariimka

Norwey oo Diiday isku soo bax lagu gubayi lahaa Kitaabka Quraanka Kariimka

0

Ciidanka Booliska Oslo ayaa sheegay in isniintii isbuucan ay heleen fariin ka timid ururka xagjirka midigta fog ee SIAN, kaasoo ay ku sheegayeen inay qabanqaabinayaan banaanbax lagu qaban doono afaafka safaaradda Turkiga ee Norway, ayna qorsheynayaan inay ku gubaan kitaabka quraanka kariimka ah.

Falkan ayay SIAN rabeen inay qabtaan maalinta jimcaha ah ee beri.

Booliska Oslo ayaa qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda amni iyo ficiladda ka dhalan kara banaanbaxaas waxay sheegeen inay diideen ogolaanshaha banaanbaxaas lagu gubi lahaa kitaabka quraanka kariimka ah.

Dowlada Turkiga ayaa kulan canaanasho ah maanta u yeertay safiirka Norway ee Turkiga, waxaana wax laga weydiiyay mudaaharaadka ay Norway markii

hore ogolaatay banaanbaxa ka dhici lahaa afaafka safaaradda Turkiga ee Norway. Dowlada Turkiga ayaa rabtay in falkaas laga hortago.

Booliska Oslo ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in fariin ay ku celiyeen ururka SIAN, laguna wargaliyay in banaanbaxaas uusan dhici doonin sababo amni awgeed.

Inkasta oo boolisku ay diideen gubitaanka quraanka, hadana waxa ay qoraalkooda ku sii sheegeen in gubitaanka quraanku uu wali sharci ka yahay Norway, uuna yahay qeyb ka mid ah xoriyada hadalka ee ku xusan sharciga Norway.

 

 

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleNISA oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho
Next articleCiidamada Amniga Muqdisho oo Gacanta Kuso Dhigay Burcad Dhac iyo Dil gaysanaayay(Sawiro)