Home Wararka Maanta NISA oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

NISA oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

0

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo markii uu yimid hay’adda wuxuu isbeddelo waaweyn ku sameeyay hanaankii ay NISA u shaqeynaysay, taasi oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex-milantay arrimaha siyaasadda.

Marka la iga imaado dib u qaabeynta NISA, sidoo kale waxa uu Mahad qaaday tallaabooyin qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna gudaha Muqdisho ka qortay dhar cad aad u badan, sida ay mudug24  u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mahad ayaa magaalada Muqdisho kusii dhex daayay dhalinyaro dharcad ah, si looga hortago falalka Shabaab ay ka fuliyaan gudaha caasimada dalka, islamarkaana ay hay’adda ugu suurta-gasho inay ka hortagto isku-dayada guracan ee kooxda.

NISA ayaa xilligaan kaalin muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, ayada oo kor u qaaday howl-galada dhulka iyo cirka ee ay hay’adda ku bartilmaameedsaneyso xubnaha kooxda, kuwaasi oo mararka qaar iska kaashadaan saaxiibada caalamka.

NISA ayaa sidoo kala haatan leh saraakiil dharcad ah oo jooga meelo ay kamid yihiin baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradah Aadan Cadde.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Si kastaba, Khubarada amniga ayaa qaba in muhiim tahay in hanaanka shaqo qorista hay’adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex arkaan qeybaha kala duwan ee deegaanada Soomaalida taasi oo sarre u qaadi karta wada-shaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.

Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo Laga Qaaday Xil Muhiim ah oo ay ka heysay Xisbiga Jamhuuriga
Next articleNorwey oo Diiday isku soo bax lagu gubayi lahaa Kitaabka Quraanka Kariimka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here