Home Wararka Maanta Ciidamada Amniga Muqdisho oo Gacanta Kuso Dhigay Burcad Dhac iyo Dil gaysanaayay(Sawiro)

Ciidamada Amniga Muqdisho oo Gacanta Kuso Dhigay Burcad Dhac iyo Dil gaysanaayay(Sawiro)

0

Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ku soo qabtay koox dhallinyaro ah oo ku eedeysan burcadnimo hubeysan.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in raggan markii la soo qabanayey ay gacmaha kula jireen falal amni darro iyo dhac ay u geysanayeen shacabka.

Taliska Boliiska degmada Hodan ayaa sheegay in kooxdu dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay wateen, Kadibna ka qaatay Taleefanadoodii.

Ciidanka ayaa sidoo kale qabtay nin kale oo ku eedeysan inuu dhac ka soo geystay Degmada Dharkeynley iyo Mooto Bajaaj uu watay.

Booliska Muqdisho ayaa xoojiyey howlgalada ka dhanka ah burcada ah dhac joogto ah ku heysa shacabka magaalada kuwaasoo ka qaadanaya telefanada iyo agabka kale ee ay wataan.

Ad
Previous articleNorwey oo Diiday isku soo bax lagu gubayi lahaa Kitaabka Quraanka Kariimka
Next articleMadaxeyne putin: “Waa wax aan la rumaysan karin laakiin run ah,” ayuu yiri. “Mar kale waxaa nasoo hujuumay taangiyada Leopard ee Jarmalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here