Home Wararka Maanta NISA Oo Jawaab Deg Deg ah ka Bixisay Cabasho goordhow ka Timid...

NISA Oo Jawaab Deg Deg ah ka Bixisay Cabasho goordhow ka Timid Shirkada Hormuud iyo khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Hormuud iyo NISA

0

Warsaxafaadeedkaan ayaa Goordhow kasoo Baxay Xafiisa NISA oo Saakay Hormuud ku eedaysay inay Shalay Xireen Xaruntii Hormuud iyo Salaam banka ee Xamar wayne iyo Tareebiyaano.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023-kii oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, kaddib baaritaan ay Hay’addu sameysay waxa ay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003 qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007 qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah Howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.

F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

Warsaxafadeedka Hormuud ayaa Asna Ahaa Sidaan:

War-saxaafadeed ku saabsan weerar ay askar hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda ku soo qaadeen xarunta Shirkadda ee Tareebiyaano.

 

Ad
Previous articleDF oo si cajiib ah ugu abaal guday Shiinaha kadib mowqifkiisi damaca Itoobiya
Next articleWar Deg Deg ah: NISA oo Albaabada Isugu dhufatay Xarumihii Waawaynaa ee Hormuud iyo Salaam Bank

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here