Home Wararka Maanta DF oo si cajiib ah ugu abaal guday Shiinaha kadib mowqifkiisi damaca...

DF oo si cajiib ah ugu abaal guday Shiinaha kadib mowqifkiisi damaca Itoobiya

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujisay Shiinaha, ayada oo sheegtay in Taiwan ay u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay “u hoggaansanaanta mabda’a fara-gelinta la’aanta”, iyada oo hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraamka madax-bannaanida.

“Soomaaliya iyada oo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya ay garab istaaga ugu muujisay Shiinaha.

Tallaabada ay qaaday Soomaaliya ayaa u muuqata abaal gud la xiriira mowqifkii adkaa ee dowladda Shiinaha ay ka qaadatay xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana ay Somaliland ku sheegtay inay tahay kamida tahay maamul goboleedyada dalka.

Hoggaamiyayaasha caalamka qaarkood ayaa dhawaan Taiwan ku amaanay doorasho dhawaan ka dhacday, gaar ahaan sida tirada badan ee dadka ugu soo baxeen doorashada dalkaas ka dhacday.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis caalami ah, waxaana sidaas ku guuleysatay dooda dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna arrintaan dhabar-jab caalami ah ku noqotay Itoobiya.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo 7 nin ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jilib
Next articleNISA Oo Jawaab Deg Deg ah ka Bixisay Cabasho goordhow ka Timid Shirkada Hormuud iyo khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Hormuud iyo NISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here