Home Wararka Maanta NISA oo Dogniin Adag u Dirtay ganacsato ay AL-SHABAAB u yeereen

NISA oo Dogniin Adag u Dirtay ganacsato ay AL-SHABAAB u yeereen

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka hey’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada reer Muqdisho qaar ka mid ah ku amartay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

“Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dhowyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeeyey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga.

“Hay’addu waxa ay ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadan xarumaha Khawaarijta, maadaama ay bartilmaameed u yihiin hay’adaha aminga dowladda federaalka.”

Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ayaa ku soo aadeysa iyadoo galabta Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’aano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arrinta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

Ad
Previous articleSoomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo war ka soo saaray(Sawiro)
Next articleGalmudug oo Dagaal Qaraar Kadib Alshabaab kala Wareegay Deegaano Hor Leh(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here