Home Wararka Maanta Ninkii hoggaaminayay ciidamada afgambiga kula wareegay Niger oo ku Dhawaaqay..

Ninkii hoggaaminayay ciidamada afgambiga kula wareegay Niger oo ku Dhawaaqay..

0

Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger kadib afgambi yaab leh oo dalkaasi ka dhacay.

Sidoo kale waxaa loo yaqaan Omar Tchiani, waxa uu sameeyay la wareegis billaabatay Arbacadii markii ciidamada ilaalada madaxtooyada ee uu hoggaaminayay ay qabteen hoggaamiyaha dalka.

Tani waxay burburisay dimuqraaddii Niger tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.

Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa loo malaynayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana weli gacanta ku haya ilaaladiisa gaarka ah.

Inqilaabka ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Afrika, urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaanoEcowas, EU iyo UN.

Gen Tchiani oo 62 jir ah ayaa xilka ilaalada madaxtooyada hayay tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana sanadkii 2018 loo dallacsiiyay darajada guud ee janaraal.

Isagoo ka hadlayay khudbad telefishan laga sii daayay, ayuu Gen Tchiani sheegay in dowladdiisa ay la wareegtay sababo la xiriira dhibaatooyin dhowr ah oo ka dhacay Niger, oo ay ku jiraan amni-darro, dhaqaale xumo iyo musuqmaasuq iyo arrimo kale.

Ad
Previous articleWaa sidee Xaalada Caafmaad ee Arooskii iyo Aroosadii Xalay lagu Tooreeyey Guriceel
Next articleDowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii Putin ee qamadiga loo dhoofinayo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here