Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii Putin ee qamadiga loo dhoofinayo...

Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii Putin ee qamadiga loo dhoofinayo Soomaaliya

0

Dowladda federaalka ah ee soomaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha ruushka isla markaana uu ku sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono qamadiga.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya oo ka hadlay ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto. “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari” ayuu yiri wasiirka warfaafinta”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ruushka iyo dalalka Afrikaan ah ay ka Shireen arrimo dhowr ah xilli shirkaasi uu maanta soo gebo geboobay.

Ad
Previous articleNinkii hoggaaminayay ciidamada afgambiga kula wareegay Niger oo ku Dhawaaqay..
Next articleSingapore oo ku fulisay xukun Daldalaad ah haweeney 19 sano ahayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here