Home Wararka Somaliya Galmudug Ninkii Dilay Farsamayaaqaankii Hubka Iyo Gaadiidla Dagaalka Ee Caabudwaaq oo Dil Toogasha...

Ninkii Dilay Farsamayaaqaankii Hubka Iyo Gaadiidla Dagaalka Ee Caabudwaaq oo Dil Toogasha ah Lagu xukumay

0

Dhawaan ayay ahayd Markii Bartamaha Magaalada Caabdudwaaq lagu Dhex Toogtay Xili Habeen ah Farsamayaqaankii Gaadiidka dagaalka Iyo Hubka Ee Afwayne Lugeey Xayle.

Maxakamada Gobolka Galgaduud ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay Cabdullaahi Muuse Seeraar oo horey udilay Alle ha unaxariistee Marxuun Afwayne Lugeey Xayle.

Dilka afwayne ayaa La Sheegay inuu Salka Ku haayay aano Qabiil Afwayne ayaana kasoo Jeeday Beesha Mareexaan Gaar ahaan Reer Siyaad.

Dilka Afwayne ayaa Sidoo kale La Xaqiijiyay inuu Ka Danbeeyey Cabdullaahi Muuse Seeraar oo kasoo Jeeda Isla beesha Mareexaan Gaar ahaan Reer Dalal.

waana Qofkii Sadexaad ee Lagu Xukamaayo Dil Toogasha Muda Ka yar Laba Bilood Dhawaan ayaana Tiirka Toogashada Caabudwaaq Lagu Toogtay Laba nin oo Dil ka gaystay Gudaha Magaalada Caabudwaaq.

Ad
Previous articleHorjooge Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Soo Gaaray Degmada Xarardheere
Next articleUNSOM oo Aqbashay inay Qaadatao Amarkii Kasooo baxay Dowlada Somaaliya(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here