Home Wararka Somaliya Galmudug Horjooge Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Soo Gaaray Degmada Xarardheere

Horjooge Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Soo Gaaray Degmada Xarardheere

0

Horjooge Siidoow Cali Ibraahim oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata koonfurta Gobolka Mudug ayaa xalay iska dhiibay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii uu u dul-qaada waayey dhibaatada argagixisada ku heysata duurka iyo howlgallada is dabajooga ah ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Aanas, ayaa mar soo noqday horjoogihii Khawaarijta ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa maleeshiyaad ku dhuumaaleysta aagga deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere, sida ay noo sheegeen saraakiisha ku sugan Xarardheere.

Ad
Previous articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo Lagu Qabtay Koonfurgalbeed
Next articleNinkii Dilay Farsamayaaqaankii Hubka Iyo Gaadiidla Dagaalka Ee Caabudwaaq oo Dil Toogasha ah Lagu xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here