Home Wararka Maanta Ninka Soomaaliga ah ee u eg Abiy Axmed ayaa leh ‘Xitaa...

Ninka Soomaaliga ah ee u eg Abiy Axmed ayaa leh ‘Xitaa aabihiis iyo aabaheey ayaan kala garan waayay’.

0

Isxaaq Axmed Xasan waa guddoomiyaha degmada Waaciye oo ka tirsan gobolka Bari ee Soomaaliya, balse muuqaalka oo ay isaga egyihiin hugaamiye Afrikaan ah oo si wayn loo yaqaano ayaa noloshiisa maalin laha ah saameyn ku yeeshay.

Isxaaq waxa uu si uun u shabahaa ay muuqaal raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Arrinta isu ekaanshaha labada nin ayaa marar kala duwan hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, gaar ahaa deegaanada Puntland.

Dhanka kale waxaa jira dhacdooyin qosol leh oo uu sheegay inay marar kala duwan dhaceen. Waxaa kamid mid uu sheegay inay ka dhacday degmada uu gudoomiyaha ka yahay oo ay wufuud ka socotay dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay soo booqdeeen.

“Wufuud heer fadaraal ah ayaa mar timid degmada Waaciye, kadibna wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiqaadir Caashe, ayaa tusay madaxweyne Gaas [sawirkeyga] oo yiri ‘Abiy ayaa manta tagay Waaciye’, markaas ayuu yaabay madaxweyne Gaas.

Mar dambe ayuu sheegay in lagu baraarugay in qofka sawirka ka muuqda uu yahay guduumiyihii Waaciya.

Saameynta ay noloshiisa ku yeelatay in ay Abiy isku egyihiin

Isxaaq ayaa sheegay in muddo badan loogu wici waayay magiciisa oo dadku marka ay arkaan ay ugu yeeraan ‘Abiy’ taas oo uu sheegay in ay saameyn nololeed ku yeelatay.

“Saameyn weyn ayey igu yeelatay, saacad kasta dadka aan xitaa I garaneyn waxa ay iigu yeeraan Abiy. Inkasta oo hadda aysan ahayn sidii hore, aniguna maba jecleyn magacayga magac aan ahayn in la’iigu yeero”, ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.

Waxa uu sheegay in xittaa marka laga eego dhinaca amniga aysan isaga farxad gelineyn in loogu yeero magaca reysal wasaaraha Itoobiya, waliba marka ay dadku ugu yeeraan xilliyada u uku suganyahay meelaha ay bulshadu isugu timaaddo ama ay ku kulmaan.

Labada aabe oo isku eg

Arrinta kale ee layaabka noqotay ayaa ah in ay aad isugu egyihiin aabbaha dhalay reysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo sido kale aabbaha dhalay guddoomiye Isxaaq Axmed, iyadoo weliba ay isku magac yihiin.

“maalin maalmaha kamid ayaa nin aan saaxiib nahay oo aan wada shaqeyno isla markaana aan qaraabo nahay ayaa sawir iiso diray, waxa uu igu yiri qofkaan ma garaneysaa, anigu wan yaabay oo sawirkii ayaan aad u eegay, waan shakiyay oo waa qof aan aabbahay u maleyn lahaa sida uu ugu egyahay awgeed, laakiin waxa kaliya ee ay ku kala duwanaayeen ayaa ahayd bar ama honqor wejiga kaga taalla Abiy aabbihiis” ayuu yiri guddoomiye Isxaaq Axmed.

Waxa uu sheeegay in ay layaab ku noqotay arrintan, dadku waxa ay aad u hadal hayaan isu ekaanshaha reysal wasaaraha iyo guddoomiyaha, hase yeeshee waxaa muuqatay in aad isaga sii ekaayeen labada

‘Hadii aan damco inaan Itoobiya aado timaha ayaan xiiran doonaa’

Maadaama Soomaalidu inteeda badan isku raaceen isku ekaanshaha labada nin, in sidoo kale shacabka Itoobiyaanka sidaas oo kale ay maleeyaan ayuu Isxaaq qabaa inay suuragal tahay.

Sidaas daraadeed arrintaas ayaa walwal ku haysa ISxaaq marka ay noqoto in Itoobiya ay dani ka gasho.

“Haddiiba ay dhacdo in aan safar u baxo ama Itoobiya tago, kolley timaha iyo garka ayaan xiiran doonaa si aanan khatar u gelin, waa run dadku wey dhihi karaan waaba reysal wasaarihii oo magaaladiisa iska maraya, marka si aan la’iigu maleyn wan is yar beddeli lahaa”.

Waxa uu sheegay in reysal wasaaraha Itoobiya uu yahay nin Itoobiyaan ah, oo Oromo ah, balse isagu uu joogo Soomaaliya gaar ahaan Puntland isla markaana ay u fududaan lahayd in uu dadka ka dhaadhiciyo in uusan ahayn reysal wasaarihii Itoobiya.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse oo Safar Kadis ah ku Tagay Xerada Hiilwayne(Sawiro)
Next articleCiidanka Xooga Dalka oo Gacanta Kusoo Dhigay Ibraahim Ali Cumar(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here