Home Wararka Caalamka Nin u dhashay Israa’iil ayaa dhuumasho ku galay Maka. Kaddib maxaa dhacay?

Nin u dhashay Israa’iil ayaa dhuumasho ku galay Maka. Kaddib maxaa dhacay?

0

Weriyaha Israa’iil ayaa ku dhex dhuuntay magaalada barakeysan ee Maka, xilli uu ku guda jiray safar uu ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo dhalisay muran ka dhex abuurtay baraha bulshada ee internetka.

Saxafiga oo u shaqeeya TV-ga Channel 13 ee Israa’iil, laguna magacaabo Gil Tamary, ayaa daabacay muuqaal uu iska duubay isaga oo gaari ku dhex maraya magaalada Maka, inkastoo uu sharcigu mamnuucayo gelitaanka dadka aan Muslimka ahayn ee magaalada barakeysan ee Makkah.

Wuxuu sidoo kale fuulay ama koray buurta Carrafo oo ah goob xurmo leh oo ay muslimiintu isugu yimaadaan inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka.

Safarka uu halkaas ku tagay uma muuqan mid uu fasax uga haystay masuuliyiinta Sacuudiga , waxaana warbixintiisa la daabacay kaddib markii uu ku laabtay Israa’iil.

Booqashada uu ninkan Israa’iiliga ah ku tagay magaalada barakeysan ee Makka iyo sawirrada iyo muuqaallada uu isaga soo duubay halkaas ayaa muran ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Sida ay qabto diinta Islaamka dadka aan Muslimiinta ahayn looma oggola inay galaan magaalada Makka.

Tamari – oo ka mid ahaa saddex weriye oo Israa’iili ah oo loo oggolaaday inay Sucuudiga galaan si ay u soo tebiyaan booqashadii Madaxweyne Biden – ayaa raalligelin ka bixiyay gelistiisa dhulka barakeysan, isagoo sheegay in ujeeddadiisu ay ahayd inuu muujiyo muhiimadda Maka iyo quruxda Islaamka.

Booqashadiisa ayaa sidoo kale dhalisay dhaleeceyn dhanka baraha bulshada ah, iyadoo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dhaqdhaqaaqyo lagu caadiyeynayo xiriirka Israel.

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil ma laha xiriir diblomaasiyadeed, laakiin xiriirka ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagayay. Dhowr weriye oo Israa’iil ah ayaa galay Boqortooyada iyagoo isticmaalaya baasaboorro ajnabi ah intii lagu jiray booqashadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isbuucii hore.

Sucuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay hawadeeda u furi doonto dhammaan shirkadaha diyaaradaha, oo ay ku jiraan duullimaadyada taga iyo kuwa ka imaanaya Israa’iil, tallaabadaas oo raysul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid uu ku tilmaamay “tallaabadii ugu horreysay oo lagu caadiyaynayo xiriirka.”

Si kastaba ha ahaatee saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in wax kasta oo xiriirka ah uusan caadi noqon doonin ilaa ay Israa’iil xallinayso colaadda ay kula jirto Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa tan iyo sanadkii 2020 la daalaa-dhaceysay ballaarinta xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee dalalka Carabta, waxaana xiriirka ay la sameysatay Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Marooko garwadeen ka ahaa Mareykanka.

Muuqaalka Tamary ee Maka ayaa si degdeg ah loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana si kulul u cambaareeyay dadka dhaliila dowladda Sacuudiga, waxaana ay caro ka dhex abuurtay gudaha Sacuudiga.

Qaar ka tirsan Israa’iiliyiinta ayaa sidoo kale dhaleeceeyay, iyaga oo sheegay in ay ixtiraam-darro ku tahay caadooyinka maxalliga ah.

Warbixinta ayuu Tamary ku sheegay inay riyadiisu ahayd inuu soo booqdo Maka, isla markaana qofka aqbalay inuu kaxeeyo aanu ogayn inuu yahay saxafi Israa’iili ah.

Ad
Previous articleP.M Xamse Cabdi Barre oo raaligalin siiyey Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya(Sawiro)
Next articleGantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq iyo Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here