Home Wararka Caalamka Nin sabab layaab leh u weeraray isbitaal uu joogay dhakhtarkii qalliinka ku...

Nin sabab layaab leh u weeraray isbitaal uu joogay dhakhtarkii qalliinka ku sameeyay

0

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in nin hubaysnaa oo toogasho ka gaystay isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma uu bartilmaameegsadayay dhakhtar isaga horay u daaweeyay.

Ninkan ayaa halkaas ku dilay afar qof oo isugu jiray saddex ka mid ah shaqaalaha isbitaalka iyo ruux bukaan ah.

Dr Preston Phillips oo ninka falka gaystay ku sameeyay qalliin dhabarka ah ayaa ka mid ah dadka halkaas ku geeriyooday, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in ninka toogashada fuliyay uu dhakhtarka ugu xanaaqsanaa xanuun uu dareemay markii qalliinka lagu samaynayay.

Booliska ayaa dadka kale ee dhacdadaas lagu dilay magacyadooda ku kala sheegay: Dr Stephanie Husen, Amanda Glenn iyo William Love.

Eedeysanaha qudhiisa ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu isagu isku dhuntay.

Ad
Previous articleMadaxweyne xasan Shiikh Galmudug kaga Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab
Next articleMuxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here