Home Wararka Caalamka Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

0

Cago-jiid badan ka dib, dawladda Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay u diri doonto dalka Ukraine hub casri ah oo gantaallo ah, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donbas oo ay si ba’an madaafiic ugu garaaceen ciidamada Ruushku.

Hubkaan waxaa lagu magacaabaa M142 Himars, kaas oo ah unug guur-guura oo isku mar ridi kara gantaallo badan. Hubkani wuxuu isugu jiraa mid dhexdhexaad ah iyo kuwa riddada dheer, haddana waxaa lagu warramayaa in Aqalka Cad, uu ka gaabsaday inuu ansixiyo hubkaan, inkastoo codsiyo badan oo ka yimid Ukraine, cabsi laga qabo in loo isticmaalo dhulka Ruushka oo xaaladda dagaalku ka sii darto.

“Waxaan rumaysanahay in Maraykanku uu si toos ah oo ula kac ah uu shidaal ugu shubay dab holcaya,” ayuu yiri afhayeenka dawladda Ruushka Dmitry Peskov. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa horey u sheegay in hubka cusub ee Mareykanka u dirayo dalka Ukraine uu keeni karo khatar hor leh oo ah in Mareykanku dagaal toos ah uu galay dagaal.

“Wax kasta oo ah sahay hub ah waxay kordhinaysaa halista inuu dagaalka sii ballaarto,” ayuu yiri Dmitry Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee RIA.

Baqdin

Cabsida uu qabo Maraykanka ee ku saabsan sida Ruushku u qaadan karo soo dirida gantaalladan ayaa ahayd mid ay ku geedamantahay hubanti la’aan.

Madaxweyne Joe Biden laftiisa ayaa isku dayay inuu sharaxo go’anakan sida uu daabacay dhawaan wargayska New York Times.

Maqaalkan oo uu qoray Biden, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in aanay ujeedadu ahayn dalkiisa inuu colaad ka abuuro Ruushka, balse uu yahay in la xoojiyo awoodda milatari ee Kiv si loo fududeeyo xal dublamaasiyadeed oo xiisadda loo helo.

“Taasi waa sababta aan u go’aansaday inaan siino dadka reer Ukraine hub aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo rasaas u oggolaanaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee goobaha dagaalka ee gudaha Ukraine,” ayuu yiri Biden.

Ad
Previous articleNin sabab layaab leh u weeraray isbitaal uu joogay dhakhtarkii qalliinka ku sameeyay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo 5 Qodob u Balanqaaday Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here