Home Wararka Maanta Nin oday ah oo lagu daldalay degmada Deyniile (Sawirro)

Nin oday ah oo lagu daldalay degmada Deyniile (Sawirro)

0

Dadka ku nool xaafadda Bangala ee degmada Deyniile ayaa saakay la kulmay dhacdo argagax leh, kadib markii ay arkeen nin oday ah oo ka lulanaya geed Qurac ah oo xaafadda ku dhex-yaalla.

Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka.

Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isago uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya.

Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile.

Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay.

Waa dhacdo xanuun badan oo dadka xaafadaas ku nool ay aad uga naxeen, maadaama ay subax kasta arki jireen ninkaan odaga ah oo xaafadda dhex lugeynaya ama ordaya, si uu jimicsi u sameeyo.

Boolisku weli sooma saarin natiijada baaritaanadii la sameeyey, sidoo kale ma jirin qof ehelkiisa ah oo yimid goobta, intii la dul dhoobnaa meydka.

In la arko meydka qof la daldalay ama is-daldalay kuma cusba Soomaaliya, dhowr goobood ayaana horay loogu arkay dhacdooyinka noocaan ah, balse inta badan dadku ayaga ayaa is dilay, kadib markii ay xamili waayaan mowjadaha duruufaha ku qabsada dunida.

Ad
Previous articleMucaaradka Koongurgalbeed oo Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Waxa ay Diidanyihiin
Next articleMadaxweynaha SSC Khaatumo oo Soo Gaaray Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here