Home Wararka Somaliya Galmudug Mucaaradka Koongurgalbeed oo Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Waxa ay Diidanyihiin

Mucaaradka Koongurgalbeed oo Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Waxa ay Diidanyihiin

0

Waxaa xoogeysanaya khilaafka ka taagan xilliga uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, waxaana is abaabulay mucaarad xoog leh oo doonaya in deg deg doorasho loo qabto.

Xubnaha mucaaradka deegaanada K/Galbeed waxaa hoggaaminaya guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale Madaxweyne ka soo noqday K/Galbeed.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyey BBC ayaa ku doodaya in sanadkii dheeraadka ahaa ee madaxweynaha hadda xilka haya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan 10-aad ee October.

Dhankooda xubnaha kale ee dowladda madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku doodaya in muddo xileedkoodu uu ku ekaanayo dhammaadka sanadka dambe ee 2024-ka.

Garabka Laftagareen ayaa soo xiganaya heshiis uusan baarlamaanka ansixin oo mideynayay doorashooyinka xeer federaal iyo heer gobolka ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la weydiiyay sababta ay ku diidan yihiin muddo kordhintaan oo lamid ah tii uu sameeyay, isla markaana uu hor boodayey xilligii dowladdii Farmaajo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobjoog ah ayaa lagu heshiiyey in doorashada la qabto dhamaadka sanadkaan iyo bisha ugu horeysa sanadka soo socda, heshiiskaas sidiisii ayuu u jiraa, mana burburin,” ayuu yiri Mursal.

Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu intaas ku sii daray in maalmo ka hor ay Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeen in Laftagareen uu ka baxay heshiiskii, maadaama uusan fulin qodobkii tilmaamayey in dagaal lagu qaado Al-Shabaab oo laga xoreeyo deegaanada K/Galbeed, si doorasho loogu qabto.

“Ma waxaan sugi karnaa sanad kale nin aan diyaar u aheyn inuu la dagaalamo Al-Shabaab? Madaxweynaha jamhuuriyaddu ma rabo inay wax qaldamaan, heshiiskii Baydhaba lagu gaarana waa sharci in la fuliyo,” ayuu yiri.

Mursal oo la weydiiyey wixii uu horay u sameeyey ayaa ku dooday in xiligii uu guddoomiyaha ahaa uusan muddo kordhin u sameyn Madaxweyne Farmaajo, balse uu ku adkeystay in baarlamaanka uu hoggaamiyo uu sii joogi doono ilaa inta laga soo dooranayo baarlamaanka kale.

Maxamed Mursal oo aad u taageersanaa Farmaajo, una sameeyey muddo kordhin u suurta geli weysay, weji gabax adagna kala kulmay, ayaa xiligaas kursi Xildhibaan ka soo qaatay Laftagareen oo taageerada Farmaajo ay ka mideysnaayeen, laakiin maanta waxay isku heystaan muddo kororsi uu Laftagareen quud-dareynayo.
Ad
Previous articleMucaaradka koonfur galbeed oo Markale Dhuusamareeb kusoo Wajahan Maxaa Soo Kordhay?
Next articleNin oday ah oo lagu daldalay degmada Deyniile (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here