Home Wararka Maanta Nin ka soo horjeeda Islaamka oo ku guuleystay doorashada Holland

Nin ka soo horjeeda Islaamka oo ku guuleystay doorashada Holland

0

Rugcadaaga caanka ku ah ka soo horjeedka islaamka, Geert Wilders, ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday Holland, iyadoo la tiriyay ku dhowaad dhamaan codadkii laga dhiibtay doorashada.

Xisbigiisa PVV ayaa lagu wadaa inay ku guuleystaan 37 kursi. Guushiisa ayaa gilgilay siyaasiinta Holland, waxaana la sheegayaa in sidoo kale ay ka yaabin doonto guud ahaan waddamada Yurub.

Wilders ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo aad u faraxsan in xisbigu uu ka shaqayn doono sidii loo soo afjari lahaa waxa uu ugu yeeray “Sunaamiga magangalyodoonka iyo socdaalka” ee ka taagan dalkiisa Holland.

Ad
Previous articleDad Wayne Farabadan oo Ku Hor Banaanbaxay Baarlamaanka Puntland
Next articleMaxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Maantay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here