Home Wararka Maanta Nin jabsaday Bogag badan ay ku jiraan kuwa Joe Biden iyo Obama...

Nin jabsaday Bogag badan ay ku jiraan kuwa Joe Biden iyo Obama oo xukun adag lagu riday

0

Muwaadin British ah oo bishii hore la qabtay ayaa lagu helay dembi ah inuu ku lug lahaa mid ka mid ah jabsashadii ugu weyneyd abid ee ka dhacda baraha bulshada.

Jabsashada bogagga baraha bulshada ee dhacday bishii July ee sannadkii 2020 ayaa saameysay in ka badan 130 akoon uoo ay ka mid yihiin kan Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

Joseph James O’Connor oo 23 jir ah loona yaqaan PlugwalkJoe ayaa lagu helay dembiga ah jabsahsha internet-ka waxaana lagu xukumay xabsi ugu badnaan garaya 70 sano.

Jabsashada ayaa qayb ka ahayd khayaameyn Bitcoin oo aad u baaxad weyneyd.

Waxaa O’connor lala xukumay oo kale saddex nin oo kale oo kuwada eedaysan isla dembigan. Dhowr iyo toban Maraykanka u dhashay oo lagu magacaabo Graham Ivan Clark ayaa asna 2021-kii lagu helay dembiga. Nima Fazeli oo kasoo jeeda Orlando Maraykanka iyo Mason Sheppard oo kasoo jeeda Bognor Ingiriiska ayaa lagu xukumay dembi heer federal ah.

Ad
Previous articleAl Shabaab oo sheegatay masuuliyada Dilalka Nuur Max’med Cali iyo Cabdullaahi Isxaaq
Next articleXildhibaan George Santos oo Xabsiga la Dhigay iyo dembiyo culus oo loo heysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here