Home Wararka Maanta Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada Dilalka Nuur Max’med Cali iyo Cabdullaahi...

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada Dilalka Nuur Max’med Cali iyo Cabdullaahi Isxaaq

0

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilal qorsheesan ka geesatay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilalkaasi fuliyay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xubno madax jabis ah oo katirsan kooxdooda xalay degmada Dayniile ku dileen Nuur Max’med Cali oo ay sheegeen in uu katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay masuuliyada dilka Cabdullaahi Isxaaq oo ahaa nin dhallinyaro ah oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha , Al Shabaab ayaana sheegtay ninkan ay dileen in uu katirsanaa ciidanka dhar cadka ee nabad sugida Soomaaliya.

Dilalka qorsheesan ay fuliyaan dagaalyahanada Al Shabaab ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan laamaha amniga ka baxsada kooxaha hubeesan ee dilalka ka geesta caasimadda.

Ad
Previous articlemadaxii waxbarashada gobolka Sool oo lasoo Goostay Gaadiid Dagaal oo soo Gaaray Laasacaanood
Next articleNin jabsaday Bogag badan ay ku jiraan kuwa Joe Biden iyo Obama oo xukun adag lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here