Home Wararka Maanta Nin inta uu xaaskiisa jarjaray, hilibkeedana kariyay kadibna “bahal siiyay” Sidee lagubogaaday?

Nin inta uu xaaskiisa jarjaray, hilibkeedana kariyay kadibna “bahal siiyay” Sidee lagubogaaday?

0

“Meydka waa la jarjaray kaddibna waxaa lagu kariyey digsiga cuntada lagu karsado si ay u fududaato in tuuro, balse weli lama hubo in eeyaha la siiyay,” ayuu yiri taliye ku xigeenka booliiska Jayant Bajbaale.

Haweeneyda 32-sano jir ah ayaa waxaa dilay saaxiibkeed oo ay ku wada noolaayeen deegaanka Mira Road ee u dhow Mumbai wuxuuna isku dayday inuu tuuro hilibka jirkeeda uu jarjaray.

Laakin afar maalmood ka dib, deriska ayaa ka shakiyay, kaddib markii ay dareemeen ur ka soo baxaysa guriga, markii la baarayna waxaa la ogaaday dhacdadana.

Booliska deegaanka Mira Bhainder ayaa hadda xiray ninka oo la yiraydo Manoj Sane oo 56 jir ah waxayna kiis ka diiwaan geliyeen Saldhigga Booliska Naya Nagar waxayna bilaabeen baaritaan dheeraad ah. Haweeneyda geeriyootay oo 32 jir ah ayaa magaceeda lagu sheegay Saraswati Vaidya.

Kadib dhacdadan oo soo shaac baxday taariikhdu markay ahayd 7-June, waxaa soo baxaya faahfaahino kale oo naxdin leh oo ku saabsan dhacada baaritaanka booliska kaddib. Dhimashadii Saraswati ka dib, maydka la jarjaray waxa ayna booliisku hilbkeeda ka soo ururiyeen gurigeeda.

Waxaa lagu hayay boorsooyin waxaana lagu qariyay meelo kala duwan oo guriga dhexdiisa ah. Waxa kale oo hadda la tuhunsan yahay in qaybo ka mid ah jirkeeda horey loo tuuray.

Laakin sababta ka danbeysa dilkan iyo hab dhaqanka arxan darada ah wali sooma bixin. Booliska ayaa wali baaraya waxa dhabta ah ee dhex maray lammaanahan oo xiriir ka dhaxeeyay dhowrkii sano ee u dambeeyay.

Markii Manoj Sane la soo taagay maxkamada Thane isagoo lagu eedeeyay dil, ayaa waxaa lagu amray in xarunta booliska uu muddo sideed maalmood ah ku sii jiro. Dabcan, booliiska ayaa wali ururinaya macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Sane iyo Vaidya waxayna isku dayayaan inay ogaadaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka.

Ka dib markii ay maxkamadu amartay in Sane loo diro xabsiga booliska, Meera Bhayander ku xigeenka taliyaha booliska Jayant Bajbale ayaa u sheegay ‘BBC Marathi’ in booliisku ay tahay inay baaritaan dheeraad ah sameeyaan.

Waxay wada noolaayeen tan iyo sannadkii 2014-kii.

Waxaa la sheegay in Saraswati Vaidya ay agoonimo ku soo kortay ka hor inta aysan la kulmin Manoj Sane.

“Marxuum Vaidya qoyskeeda ilaa hadda si buuxda looma garanayo, waa run inay ku noolayd ashram, weli baaritaan ayaan wadnaa, Sane wuxuu hadda sheegay in labadooda ay ku kulmeen dukaan raashin lagu iibiyo, oo uu ka shaqeyn jiray laakiin waan hubineynaa,” ayuu yiri Bajbaale ku xigeenka taliyaha booliska.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in Sane uu sheegay in Vaidya iyada is dhishay oo oo aanu dilka geysan.

Bajbaale ayaa yiri “Wali wax ka soo baxay ma jiraan, waxaan diiwaan gelinay kiis dil ah, dhankaas ayaana baaritaan ka wadnaa”.

Ad
Previous articleDowladda Sudan oo dalkeeda ka cayrisay sargaal katirsan Qaramada Midoobay
Next articleIlhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiilada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here