Home Wararka Maanta Dowladda Sudan oo dalkeeda ka cayrisay sargaal katirsan Qaramada Midoobay

Dowladda Sudan oo dalkeeda ka cayrisay sargaal katirsan Qaramada Midoobay

0

Dowladda dalka Suudaan, ayaa ku dhawaaqday ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Volker Perthes, inay kala noqotay ‘xasaanaddii siyaasadeed ee joogitaanka’, taasoo la macno ah inaysan hadda aqoonsanayn jagada uu uga hayo Qaramada Midoobay dhanka dalka Sudan.

Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan General Cabdulfataax al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Perthes inuu hurinayo colaadda dalka, wuxuuna dalbaday in la beddelo.

Ka hor inta uusan bilaaban bishii Abriil iska horimaadka u dhexeeya ciidanka, ayaa howlgalka Qaramada Midoobay ee Suudaan waxaa lala beegsaday mudaaharaadyo lagu cambaareynayo, gaar ahaan iney fara galin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalka Sudan.

Ad
Previous articleDowladda federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay tirada u horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saarayo dalka Bishaan
Next articleNin inta uu xaaskiisa jarjaray, hilibkeedana kariyay kadibna “bahal siiyay” Sidee lagubogaaday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here