Home Wararka Maanta Nin hubeysan uu dilay macalin iyo haweeney

Nin hubeysan uu dilay macalin iyo haweeney

0

Booliska Holland ayaa sheegay in nin hubeysan uu dilay macalin iyo haweeney maxali ah ka dib markii uu rasaas ku furay fasal ku yaal xarun jaamacadeed oo ku taalla magaalada Rotterdam iyo guri u dhow.

Eedeysanaha oo 32-jir ah, kana mid ahaa Ardayda Jaamacadda, ayaa si xun u toogtay Haweeney 39-jir ah oo deggan Xaafaddiisa, wuxuuna dhaawac halis ah u geystay Gabadheeda oo 14-jir ah, sida ay Boliska ku sheegeen Shir Jaraa’id oo laga sii daayay Telefishinka.

Kadib markii uu dab qabadsiiyay guriga haweeneyda, ayaa ninka hubeysan waxa uu aaday Isbitaalka jaamacadda ee Rotterdam Medical Center, halkaasi oo uu galay fasal isagoo si bareer ah u toogtay macalin 46 jir ah.

Ninkan ayaa laga soo qabtay meel ku dhow Isbitaalka, halkaasoo uu sidoo kale dab qabadsiiyay. Ujeedkiisa lama garaneyn.

“Eedaysanuhu way garanayeen sharci fulinta, 2021-kiina waxa lagu soo oogay oo lagu xukumay xad-gudub xayawaan,” ayuu yiri Hugo Hillenaar, madaxa dacwad oogaha Rotterdam.

Muuqaalo la soo dhigay online-ka ayaa muujinayay booliska oo ku amraya ardayda oo qaarkood xirnaa shaarka caafimaadka, in ay bannaanka u soo baxaan iyadoo kooxaha soo qabtay oo aad u hubeysan ay soo gaareen goobta. Mid ka mid ah muuqaalka ayaa muujinaya nin gacmaha ka xiran oo xiran wax u eg surwaal.

Ad
Previous articleAmaanka Dhuusamareeb oo la Adkeeyey iyo Qaraxyo kale oo laga Cabsi Qabo
Next articleMaraykanka oo Shaqa Joojin looga Dhawaaqay iyo Xaalad Cakiran oo Taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here