Home Wararka Maanta Maraykanka oo Shaqa Joojin looga Dhawaaqay iyo Xaalad Cakiran oo Taagan

Maraykanka oo Shaqa Joojin looga Dhawaaqay iyo Xaalad Cakiran oo Taagan

0

Xafiisyo badan oo dawladda Maraykanka ah ayaa laga yaabaa in qayb ahaan shaqadooda la hakiyo, maalinta Axadda ee soo socota, ka dib markii mudanayaasha golaha baarlamaanka ee Maraykanku ay ku guuldaraysteen inay isla meeldhigaan, miisaaniyadda ay dawladdu ku shaqaynayso 12-ka bilood ee foodda innagu soo haya.

Qodobada la isku hayo ayay ka mid yihiin, in lagu daro, lacago lagu taageerayo dalka Ukraine, si ay isaga caabbiyaan Ruushka, xakamaynta muhaajiriinta ka soo gudbaya xuduudda Mexico iyo Maraykanka, iyo weliba arrimo taabanaya barnaamijyada daryeelka bulshada Maraykanka ah.

Golaha Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku dedaalaya inay meelmariyaan qorshe wakhti gaaban ah oo xukuumaddu ku shaqayn karto, hase ahaatee weli may helin codad dhamaystiran oo qorshahaasi sharci ku noqon karo.

Dhinaca kale, Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku gacan-saydhay dedaalada ka socda aqalka Senate-ka.

Xafiisyada dawladda ayaa Khamiistii bilaabay inay shaqaalohooda ku wargeliyaan, tallaabooyinka dhici doona, haddii aan la ansixin miisaaniyadda dawladda

Ad
Previous articleNin hubeysan uu dilay macalin iyo haweeney
Next articleNISA oo gacanta kusoo dhigtay ninkii ugu muhiimsanaa  Al-Shabaab ee dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo Qaraxyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here