Home Wararka Maanta Nin 10 sano loo raadinayay dilka xaaskiisa oo ugu dambeyn sameeyay hal...

Nin 10 sano loo raadinayay dilka xaaskiisa oo ugu dambeyn sameeyay hal arrin oo sababtay qabashadiisa

0

Weriye ka tirsan BBC-da oo kaashanaya booliska ayaa la kulmay eedeysane loo xiray fal dambiyeed ku saabsan dilka xaaskiisa, kaasoo dhuumanayay muddo toban sano ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Bhimsingh Patil ayaa qirtay in uu dilay xaaskiisa uuna ku dadaalayay in aan gacanta lagu dhigin, ilaa markii dambe uu ku dhaqaaqay arrin horseedday xariggiisa.

“Haddii aan isticmaalo taleefoonka gacanta, ama aan raaco tareen iyo bas, waan ogaa in goob la igu qaban doono, xaaskayga ayaan dilay waxaan mooto bajaaj u raacay magaalada Nadiad, halkaas ayaan kasii raacay gawaari kala duwan si aan u gaaro magaalada kale ee gobolka Madhya Pradesh,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in muddada uu dhuumaaleysanayay uusan heli jirin kharash ku filan maadaama uu ka baqy in la aqoonsado haddii uu shaqo raadsado.

“Waxaan seexan jiray dhabarka dambe ee maqaayad. Muddo toban sano ah ayaa sameynayay arrintaas, laakin ugu dambeyntii booliska ayaa i qabtay.” ayuu yiri eedeysane Bhimsingh Patil.

Ninkan oo 68 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa ayaa dambigiisa ka hor qirtay xafiiska laanta dambi baarista ee magaalada Ahmedabad.

Bhimsingh Patil wuxuu kasoo jeedaa tuulada Dhalki ee gobolka Maharashtra, wuxuu magaalada Ahmedabad u yimid in uu shaqaale ka noqdo halkaas oo uu nolol cusub ka bilaabay. Wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay hoteello kala duwan.

“Dhaqamadeedii ayuu ka shakiyay”

Eedeysane Bhim Singh ayaa ka warramay sida uu xaaskiisa u dilay.

Laanta BBC-da ee Gujarati ayuu ku yiri: “Caruurteena waa la guursaday, xaaskeyga meel kale ayay ku nooleyd, marka aan dilayay xaaskaygu waxa ay jirtay 45 jir, mar kasta oo aan kasoo laabto deegaanka Tapri oo aan imaado guriga, imaan jirin, maalintii oo dhan waxay ku hadli jirtay telefoon iyadoo ku mashquulsanaan jirtay farriin qoraal, waxay guriga keeni jirtay dhar cusub.”

Waxa uu sheegay in uu ka shakiyay hab dhaqankeeda, isagoo intaas ku daray in ay aadi jirtay shaleemo.

“Dadka ag jooga ayaa wax u sheegi jiray xaaskeyga,” ayuu yiri.

Xaaskeyga ayaan dilay

Wuxuu sheegay in xaaskiisa ay marar badan is khilaafeen, uuna ka cosaday inay joojiso dabeecadaha uu dhibsaday.

“Weli waan xusuustaa maalintaas. Waxay ahayd Sabti. Qof baa isoo wacay wuxuu ii sheegay in xaaskaaga ay raacday bajaaj oo bannaanka aadday, guriga ayaan durbadiiba kusoo laabtay,” ayuu yiri.

Bhim Singh ayaa ka warramay isku dhicii ugu dambeeyay ee ay ku dhimatay xaaskiisa.

“Markii ay guriga timid waxaan weydiyay halka ay ka timid, dagaal ayaa na dhex maray, waan xanaaqay, madaxa ayaan ul uga dhuftay, dhiig ayaa kasoo daatay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan ogaaday in aan fal dil ah geystay, markiiba goobta ayaa ka cararay”.

Waxaa jebiyay teleefoonkeygii waxaan qaatay mooto bajaaj waxaan u cararay dhinaca magaalada Nadiad.

Tobankii sano ee uu isqarinayay Bhim Singh wuxuu sameeyay tallaabo kasta uu booliska uga dhuumanayay.

Sida ay booliska kusoo qabteen

Kiiskiisa waxaa xal loo raadinayay waqti dheer, mana la aqoon meel loo doono eedeysana, laakiin lagama rajo dhigin.

Taliyaha waaxda dambi baarista ee magaalada Ahmedabad, K. S. Sisodia ayaa BBC-da ku yiri: “Markii uu kiiskan na soo gaaray, ciidamada uma suurtagelin inay helaan farsamo kasta. Waxaan go’aansannay in aan adeegsanno xogteenna sirdoonka, waxaan sameynay baaritaan qoto dheer”.

Taliyaha ayaa sharraxay qaabkii loo soo qabtay ninkan baxsadka ahaa.

“Dadka deegaanka waxay noo sheegeen in eedeysaha laga yaabo in uu makhaaqayad ka shaqeynayo ama goob shaaha lagu iibiyo maadama uusan qaban karin shaqo kale,” ayuu yiri.

Dad qaraabo la ah eedeysanaha ayaa booliska u sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Jalgaon, uuna ku dhuumanayay makhaayad uu ka shaqeynayay isagoo weelasha ku dhaqi jiray qeybta dambe, sida uu sheegay taliyaha.

“Weligii kama uusan soo bixin makhaayadda si aysan u qaban kameerooyinka qarsoon, weligii teleefoon ma uusan isticmaalin xitaa gawaarida dadweynaha ma uusan adeegsan jirin, waxaana kasoo qabanay maqaaxidaas,” ayuu yiri Taliyaha.

Arrinta cajiibka ah waxay ahayd sababta uu u yimid tuulada u dhow deegaanka Jalgaun oo ay ku nool yihiin dadka qaraabadiisa ah ee aqoonsan kara.

Sida uu qudhiisa u sheegay laanta dambi baarista, sababtu waxay ahayd in uu doonayay inuu kusoo dhawaado meel laga aqoonsan karo haddii uu dhinto, si meydiisa loo gubo.

Tallaabadaas ayey warbaahinta maxalliga ah ku micneeyeen khaladka horseeday in la qabto ninkii waqtiga dheer dhuumanayay.

Waxa uu haystay warqad aqoonsigiisa iyo ciwaankiisa muujineysa oo jeebka ugu jirtay, taasoo uu ugu talogalay in laga helo jeebkiisa haddii uu geeriyoodo.

Go’aankan waa mid naxdin leh oo shaaca ka qaaday khiyaanada Bhim Singh ee 10 sano qaadatay ugu dambeytiina xabsiga ayaa la dhigay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal culus oo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood
Next articleMaxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya dadka Laascaanood ee ka soo hor jeeda Somaliland?