Home Wararka Maanta Wararkii U Danbeeyay Xaalada Gaza Iyo Madaxda Carabta Oo Baajiyay Safarka Biden

Wararkii U Danbeeyay Xaalada Gaza Iyo Madaxda Carabta Oo Baajiyay Safarka Biden

0

Qarax xooggan ayaa habeenimadii Salaasada wuxuu gilgilay cusbitaalka Gaza, waxaana suurto-gala inay halkaas ku dhinteen boqolaal qof.

 

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo.

 

Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo ka mida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.”

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhinacooda beeniyey inay khaladka leeyihiin, iyaga oo ku dooday in gantaal habow ah oo ay soo rideen kooxda Islamic Jihad inuu ku dhacay cusbitaalka. Hase ahaatee warkaas waxaa beeniyey kooxda xagjirka ah ee Islamic Jihad.

Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”.

Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka, ayaa lagu sheegay “In ka dib wada-tashi uu la yeeshay boqorka Urdun King Cabdallaha labaad, isla markaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa inuu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo madaxda Masar iyo Urdun.”

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in “Madaxweyne Biden uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii cusbitaalka Gaza, isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad degdeg ah. Madaxweyaha ayaa sii wadaya inuu si dhakhso ah madaxdan si fool ka fool ah ula tashado, isla markaana uu ula xidhiidho maalmaha soo socda.”

Danjiraha Falastiin u jooga Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa Salaasadii sheegay “Walaalahayaga Urdun, waxay yidhaahdeen, shir ma yeelanayno iyada oo xaaladdan lagu jiro … waxa keliya ee macne samayn kara ayaa ah – haddii [Biden] uu hirgelinayo xabbad-joojin, isla markaana uu odhanayo, waxaan halkan u imi inaan dhaqangeliyo” ayuu yidhi.

Xamaas ayaa bishan October 7-deedii waxay weerar argagixiso ku qaaday Israa’iil, kaas oo ay dileen illaa 1,400 oo qof, iyaga oo wakhti dheer diidanaa inay aqoonsadaan dawladda Yuhuudda.

Ad
Previous articleWasiirka adan Barre Ducaale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka Jaray Garoonka Demada Baxdo oo Diyaaradii u horaysay Goordhow ka Dagtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here