Home Wararka Caalamka Israel Oo Xoojisay Duqeymaha Ay Ka Wado Gaza Iyo Wadahadalkii Oo Dib...

Israel Oo Xoojisay Duqeymaha Ay Ka Wado Gaza Iyo Wadahadalkii Oo Dib U Bilaabanayo

0

Ciidamada Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada ay ka wadaan koofurta iyo bartamaha Gaza, iyada oo dhanka kalana ay soo baxayaan warar sheegaya in todobaadkaan dib loo amba-qaadi doono wadahadallada lagu raadinayo xabbad-joojin ka dhaqan gasha Marinka Gaza.

Weeraradi ugu danbeeyay ee ay ciidamada Israil ka fuliyeen Gaza shalay iyo xalay ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ku amartay Isra’il in ay si deg deg ah u joojiso duullaanka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza.

Israel waxay ku adkeysaneysaa in ay dooneyso in ay xididadda u siibto dagaalyahannada Xamaas, gaar ahaan beey tiri kuwa ku sugan Rafax, isla markaana ay soo badbaadiso Israa’iiliyiinta ay Xamaas iyo koxaha kale ee Falastiiniyiinta ay ku hayaan Gaza.

Hase yeeshee, weerarkeeda magaalada koofureed ee Gaza ayaa dhaliyay qeyladhaan caalami ah, oo ay bulshada caalamka uga soo horjeesatay weerarka Rafax.

Rafax oo ku taalla xadka Gaza ay la wadaagto Masar ayaa waxaa ku nool inta badan qaxootiga iyo barakacayaasha Gaza, inkasta oo ay dhawaan dib uga carareen ku dhawaad 900 oo kun oo ruux.

Waqooyiga Gaza oo ay mar kale ciidamada Isra’il dhawaan dib u galeen, kaddib marki ay halkaasi dib ugu soo laabteen dagaalyahannada Xamaas ayayey saraakiisha caafimaadku sheegeen, in duqeyn ay Isra’il Sabtidi ka geysatay ay ku dishay ugu yaraan 17 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Isra’il waxay sheegtay in ay baareyso warka ku saabsan weerarka iskuulka.
Ilaha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Israil dileen in ka badan 45 qof oo Falastiiniyiin ah.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous article20 Shabaab Ah Oo Ay Ku Jiraan Saraakiil Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay
Next articleJames Swann oo Soo Gaaray Muqdisho