Home Wararka Maanta James Swann oo Soo Gaaray Muqdisho

James Swann oo Soo Gaaray Muqdisho

0

James Swan oo dhawaan si KMG ah loogu magacaabay Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, kaddib markii shaqada ay ka fariisatay Ergeygii hore. Swan ayaa horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, waxaana lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay, illaa ugu dambeyn 15 May 2022 soo dhamaatay.

Mr Swan ayaa markaan xafiiska si KMG usii heyn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha Xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo. Magacaabiddiisa KMG ayaa ku soo aadeysa kaddib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalbatay in la xiro Xafiiska UNSOM.

Shaqada adag ee xilligan hortaala ayaa ah u kala dab-qaadida dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland, xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada oo si weyn Mucaaradka u diidan yihiin.

Ad
Previous articleIsrael Oo Xoojisay Duqeymaha Ay Ka Wado Gaza Iyo Wadahadalkii Oo Dib U Bilaabanayo
Next articleWaan Gaariraa oo Mudo kadib Kaso Muqday Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here