Home Wararka Somaliya Puntland 20 Shabaab Ah Oo Ay Ku Jiraan Saraakiil Oo Lagu Dilay Howlgal...

20 Shabaab Ah Oo Ay Ku Jiraan Saraakiil Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahisay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Bari ee maamulka Puntland, kaasoo lagu laayay xubno Shabaab ah

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilau 20 Shabaab ah oo ay ku jiraan saddex hoggaamiyo.

“In ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka Shabaab isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Majirto ilo ka madax banaan dowladda oo xaqiinin kara sheegashadan, iyadoo dhinaca kale Shabaabku aaney ka hadlin jabkan dowladda sheegtay iney gaarsiisay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya oo ku Dhawaaqay in Alshabaab soomaaliya Qabsan doonto Maraykankana Baaq Udiray
Next articleIsrael Oo Xoojisay Duqeymaha Ay Ka Wado Gaza Iyo Wadahadalkii Oo Dib U Bilaabanayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here