Home Wararka Maanta ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

0

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku goโ€™doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo laโ€™aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda goโ€™aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamadaย  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen(Sawirro)
Next articleHaweeney marar kala duwan dishay 12 kamid ah saaxiibbadeed oo gacanta lagusoo dhigay