Home Wararka Maanta Naadiya Maxamed oo Ka hadashay Doorashadii Cajiibka ahayd ee ay kusoo Baxday

Naadiya Maxamed oo Ka hadashay Doorashadii Cajiibka ahayd ee ay kusoo Baxday

0

Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah xilkaasi ku guuleysata.

Sanadkii 219-kii, ayaa iyadoo 23 jir ah waxaa loo doortay kursi golaha deegaanka ee magaaladaas, taas oo ka dhigtay qofkii ugu da’ada yaraa ee maamulka magaaladaas ka mid noqda.

Deeqa Dhalac oo ka tirsaneyd baarlamanka Magaalada South Portland, ee gobolka Maine, ayaa sanadkii 2021kii noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqota Mareykanka.

Naadiya, waxay kaga duwaneyd Deeqa waxaa xilkaasi u doortay, lixda xubnood ee Golaha deegaanka ee magaaladaas St. Louis Park ee gobolka Minneasota.

Naadiya oo si kooban ula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in caawa ay aad u faraxsan tahay, isla markaana guusha ay gaartay ay tahay guusha dadka dhan.

Faa’iza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka oo caawa wareysi siisay TV-ga Somali Cable ayaa guusha gabadhaas ku tilmaantay mid umadda Soomaaliyeed ay wada leedahay.

“Naadiya waxaan leeyahay Qabyaalad yeysan ku galin dadka Soomaaliyeed si isku mid ah ugu adeeg,Soomaalida waa Dad Madaxweyne ka noqon karo Dalalka ay Caalamka kaga noolyihiin” ayey tiri Faaiza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa door firfircoon ka cayaara siyaasadaha caalamka markii ay tagaan dalalka adduunka, Soomaalidu waxay ugu horeysaa dadyowga caalamka ee dalalka aysan ka soo jeedin ka qabta masuuliyadaha ugu sareeya.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Markaan ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza Kadib Dagaalo Qaraar oo wali socda
Next articleLaamaane Doonaayay inay Askari Danbi Galay ku Marqaati Furaan oo ayagii La toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here