Home Wararka Maanta Laamaane Doonaayay inay Askari Danbi Galay ku Marqaati Furaan oo ayagii La...

Laamaane Doonaayay inay Askari Danbi Galay ku Marqaati Furaan oo ayagii La toogtay

0

Lamaane ajaaniib ah ayaa lagu hor toogtay meel ku dhaw maxkamadda Randburg ee kutaalla magaalada Johannesbur, xilli lamaanahan ku marqaati firi lahaayeen askar katirsan booliiska Koonfur Afrika oo fal dambiyeed u xiran.

Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in lamaanaha lagu dilay afaafka hore ee maxkamada darajada koowaad ee Randburg maalintii arbacada, lamaanahan ayaa ahaa  marqaatiyaal muhiim u ah kiis weerar ah oo ka dhan ah booliiska.

Labada qof ee ajnabiga ah ayaa lagu toogtay meel mitir u jirta maxkamadda, waxayna marqaatiyaal muhiim ah ka ahaayeen kiis weerar ah oo ay ku lug lahaayeen afar askari oo booliis ah, kuwaa oo maxkamadeyntooda muddo soo socotay.

Toogashadan ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen kooxo xiriir la leh booliiska, waxaana toogashadan lagu tilmaamay mid qorsheysan oo la doonayay in lagu jahwareeriyo kiiska booliiska u xiran yihiin , si marqaatiyaal loo helin.

Ad
Previous articleNaadiya Maxamed oo Ka hadashay Doorashadii Cajiibka ahayd ee ay kusoo Baxday
Next articleFaahfaahin ka soo baxeysa dagaalkii Khaatumo iyo Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here