Home Wararka Maanta Muxuu Yahay Shirka Dhuusamareeb ugu Furmaaya Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada?

Muxuu Yahay Shirka Dhuusamareeb ugu Furmaaya Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada?

0

Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo si gaar ah u dhex-mari doona wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka iyo wasiiradda heer dowlad-goboleed, kaasi oo diirada lagu saari doono wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo faah-faahin ka bixiyay safarka wasiirrada labada heer ee qasaaraddaas ay ku tagayaan Galmudug, ayaa sheegay inuu u daaran yahay u kuur-galida tacbashada beeraha ee maamukkaasi.

“Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee wasaaradaha labada heer,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay.”

Wasaaradaha veeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka & dowlad-goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha maamul goboleedyada.

Horraantii sanadkan ayey aheyd markii Soomaaliya ay heshiis maal-gelin la saxiixatay Snduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo lagu horumarinayo beeraha dalkeenna.

Si kastaba, horumarinta beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.

Ad
Previous articleDagaal culus oo Maalintii Labaad Kasocda Degmada Luuq Ganaane
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada Dalka