Home Wararka Maanta Muxuu Achraf Hakimi ka yiri dhul gariirkii saameynta badnaa ee ka dhacay...

Muxuu Achraf Hakimi ka yiri dhul gariirkii saameynta badnaa ee ka dhacay dalkiisa Morocco?

0

In kabadan 2800 oo qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay Morocco habeenkii Jimcaha.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco, ahaana daaficii hore ee kooxda Real Madrid ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay dhulgariirka. “Waxaan ku jirnaa waqti adag dhammaan muwaadiniintayada walaalaha ah. Waxaa la joogaa waqtigii aan isu keeni lahayn si aan u badbaadino dadka ugu badan ee suurtogalka ah. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan kuwa waayay dadkii ay jeclaayeen,” Hakimi ayaa ku soo qoray Instagram-ka.

Xulka kubadda cagta Morocco ayaa lagu waday inay kula ciyaaraan xulka Liberia, magaalada Agadir, oo ku taalla xeebta galbeed ee dalkaas, ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika Sabtida. Laakin isreebreebka ayey noqotay in dib loo dhigo kadib dhulgariirkii dhimashada badnaa.

Ad
Previous articleATMIS oo War kasoo Saartay nin Soomaali ah oo Maalmo kahor ku Dileen Xerada Xalane
Next articleXildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey oo u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay arin Yaasin Farey Dhibsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here