Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yusuf oo saaka ka ambabaxay Kismaayo ayaa gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale
Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.
Maamulka Jubbaland ayaa shalay ciidamo fara badan geeyey degmada Ceelwaaq kuwaasoo loogu talo galay iney sugaan amaanka doorashada halkaas ka dhaceysa.
Ad