Home Wararka Somaliya Jubbaland Muuse Geele iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo oo Gaaray Ceelwaaq(Sawiro)

Muuse Geele iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo oo Gaaray Ceelwaaq(Sawiro)

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yusuf oo saaka ka ambabaxay Kismaayo ayaa gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay ciidamo fara badan geeyey degmada Ceelwaaq kuwaasoo loogu talo galay iney  sugaan amaanka doorashada halkaas ka dhaceysa.

Ad
Previous articleWeerar loogu geestay Gaalkacyo ayuu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Next articleZelensky oo ka digay Aftida uu Ruushka ka qabanayo Bariga Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here