Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Cusub oo loosoo Magacaabay...

Muuse Biixi oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Cusub oo loosoo Magacaabay Soomaaliland(Sawirro)

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday maamulka Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.

Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Somaliland.

Safiirkan cusub ee dowladda Itoobiya u magacawday in wakiil uga noqdo Somaliland ayaa imaanaya , xilli  dhawwaan sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya u fadhinaya Soomaaliya.

Ad
Previous articleIMF oo Shaacisay War Farxad U ah Shacabka iyo Dowlada Soomaaliya oo ku saabsan Hannaanka dib u eegista barnaamijka Deyn cafinta
Next articleDad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Baardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here