Home Wararka Somaliya Jubbaland Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Baardheere

Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Baardheere

0

Warrarka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya, in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen kadib markii uu la tagay daad ka soo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere, sida ay BBC-du ka soo xigtay maamulka deegaanka.

Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhawr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

Sedex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo sedex qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Cusub oo loosoo Magacaabay Soomaaliland(Sawirro)
Next articleAskar gubtay Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo madaxooda la dul dhigay Abaalmarin Lacageed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here