Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo Si Cara leh ugu Hadlay Go,aan Difaaca Bada Soomaaliya...

Muuse Biixi oo Si Cara leh ugu Hadlay Go,aan Difaaca Bada Soomaaliya ee Turkiga

0

Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka hadlayay hadda Hargeysa ayaa sheegay in uu dhaqangal noqonayo Is afgaradkii uu la gaaray RW Itoobiya ee lagu siinayay aaga Badda Saylac, wuxuu sheegay in heshiis rasmi ah loo rogayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ku eedeeyey in ay sameynayo ficilo bahalnimo oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland, wuxuu sheegay in wajiga dhabta ah ee Soomaaliya u hayso dhinaca SL uu yahay ayuu yiri “Mid cadowtinimo aan walaalnimo jirin habayaraatee”

Madaxwene Biixi ayaa yiri “Xassan Sheekh waxaan leeyahay labo kala daa calaacalka iyo wax aadan heli karin in aad raadiso, waxaad tahay Naftii hafar”ayuu yiri Biixi.

Muuse ayaa difaacay Is afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya, dadka Somaliland ayuu sheegay in horumarkooda laga xun yahay oo waligood duulaan ay ku ahayd Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale  Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xassan Sheekh, dilkii Cabdinaasir Dahable, oo ahaa shaqaale katirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo kasoo jeeday dhinaca Somalilabd, isagoo sheegay in godobtiisa loo haysto, dadku la xirayna aysan aheyn kooxdii dilka geystay.

“Beentii aduunka aad u sheegtay ee ahayd Argagixisaa dhameeyey waa la ogaaday Xasanow hub baa lagu siiyey iska celi argagixisada, anaga Argagixisada waa necebnahay, kuwa aan qabanaana Koonfur bay nooga yimadaan”

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Ka Hadlay Heshiiska Bada Soomaaliya loogu Wareejiyay Turkiga iyo Waxa Sababay
Next articleCabdiraxman Cabdishakuur oo Su’aalo layaab leh ka Keenay Heshiikii Maantay Baarlamaanku Ansixiyay ee Difaaca Badeena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here