Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakuur oo Su’aalo layaab leh ka Keenay Heshiikii Maantay Baarlamaanku Ansixiyay...

Cabdiraxman Cabdishakuur oo Su’aalo layaab leh ka Keenay Heshiikii Maantay Baarlamaanku Ansixiyay ee Difaaca Badeena

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa Qoraalkaaan kasoo Saaray Go’aanadii Maantay ee Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya Dofaaca Badeena ugu Hibeeyeen Turkiga.

Ka sokow dhibaatooyinka gudaha dalka ee takrifalka awoodda, eexda, musuqa, aqoon iyo garasho nacaybka, waxyaabaha ugu waawayn ee siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ku guuldaraysatay waxay ahayd dagaalladii iyo loollankii inoo dhexeeyey innaga iyo Itoobiya iyo in aan maarayn waynay loollankii juqraafi siyaasadeedka (geopolitics competition) ee dunida xilligaa ka jiray, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado. Haddal waa la diiday, hirarka xamaaska iyo mowjadaha laablakaca ee sacabka iyo sawaxanka lagu laray ee difaaca badda ayaa na jiiray, dhankeyga ayaana ka ansixiyey, laakiin su’alaaha heshiiska aan ka keeni lahaa haddii fursad gaar ah ama gudaha Baarlamaanka la i siin lahaa ayaa ah.

1- Ma caddahay in dawladda Turkiga ay difaacayso gobonnimada xudduudaha badda, berriga iyo cirka Soomaaliya. Tusaale; haddii ay dawladda Itoobiya ciidan geyso dhulka Soomaaliya ee ay saldhigga Milateri ka samaysanayso, dawladda Turkiga ma naga difaacaysaa? Haddiise ay Turkigu arkaan in dantooda aysan ku jirin in ay Itoobiya isku dhacaan heshiiska muxuu ka yeelayaa?

2- Heshiisyadda difaaca ee dawladaha kale ee ay Itoobiya ka mid tahay lala soo galay xageey ku danbaynayaan?

3- Innagu Itoobiya ayaan is haynaa, sideen u maaraynaynaa saamaynta taban ee ka imaanaysa dawladaha ay Turkiga is hayaan? Sideen oo maaraynaynaa loolanka juqraafi siyaasadeed )geopolitical competition) ee ka dhasha heshiiska?

4- Dawladdu maxay u qaadi la’dahay tillaabooyin kale oo looga hortegayo damaca Itoobiya? Maxaa xiriirka Itoobiya hoos loogu dhigi la’yahay? Maxaan duulimaadka diyaaradaheeda u joojin la’nahay ama u dhimi la’nahay? Maxaa ciidanka Itoobiya ee aan ATMIS ka tirsanayn ee dalka jooga loo saari la’ yahya, kuwa ATMIS ka tirsanna loo beddeli la’yahay?

5- Sidee loo maamulayaa Kalluunka baddeena ee la sheegay in ay Turkidu ka ceshanayaan lacagta kaga baxda difaaca badda?

6- Hore ayey inoo soo martay in Soomaaliya heshiis difaac ay gashay ka baxdo ama looga baxo, haddii Turkigu go’aansado inuu heshiiska ka baxo ama aan innagu u aragno in aan ka baxno maxaa dhacaya?

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Si Cara leh ugu Hadlay Go,aan Difaaca Bada Soomaaliya ee Turkiga
Next articleSida uu u dhacay dilka Imaamkan Soomaaliga ah ee meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here