Home Wararka Maanta Muuse Biixi oo maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool iyo...

Muuse Biixi oo maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool iyo SSC oo Diyaar Garowday

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool, xilli dhawaan uu ku dhawaaqay aargoosi ka dhan ah dagaalkii SSC ay Jimcihii horay ku jabiyeen ciidamadiisa.

Safarkaan ayaa waxaa madaxweynaha kuwehlinaya wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo sida la sheegay kasoo jeeda deegaanada uu tegayo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si gaar ah waxa uu saldhiggan doonaa deegaanka Oog. Deegaankan ayaa himika ah halka ay gobolka Sool kaga sugan yihiin ciidamada Somaliland, oo laga soo saaray dhamaan saldhigyadii iyo difaacyadii ay halkaasi kaga sugnaayeen.

Madaxweynaha ayaa marka uu halkaas gaaro waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday dagaalkii cuslaa ee Jimcihii toddobaadkii horay ka dhacay gobolka Sool, isaga oo ka dhageysan doona warbixinta sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu madaxweynaha iclaamiyo duulaan ka dhan ah SCC-Khaatumo, oo iyagu toddobaadkii hore ka qabsaday hub iyo askar badan, oo ay ku jiraan taliyeyaashii ciidanka hoggaamineysay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in SSC-Khaatumo dhankeed ay adkeeysay difaacyadeeda, islamarkaana ay heegan buuxa galisay ciidamadeeda, si ay uga hor tagto duulaan kasta oo uga imaan kara Somaliland.

Sidoo kale waxaa sareysa baqdinta inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah gobolka Sool, kaasi oo noqon kara mid ka xooggan iska hor-imaadyadii horay u dhexmaray labada dhinac.

Si kastaba, Somaliland ayaa dhawaan markii u horreysay qiratay jabkii Jimcihii toddoba horay kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markaas ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.
Ad
Previous articleInjineeradii Dhisay dabaqii Sideeda Biyaanada ahaa ee Kusoo Dumay Bakaaraha oo Xabsiga la Dhigay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay Sababta Ceelbuur uga Soo Baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here