Home Wararka Maanta Injineeradii Dhisay dabaqii Sideeda Biyaanada ahaa ee Kusoo Dumay Bakaaraha oo Xabsiga...

Injineeradii Dhisay dabaqii Sideeda Biyaanada ahaa ee Kusoo Dumay Bakaaraha oo Xabsiga la Dhigay

0

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Carab) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dhacdadii ka dhacday Bakaaraka ee dhalatay laba daq oo soo dumay, kadibna khasaare xoogan.

Saalax Carab ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka oo uu ugu horreeyo Yuusuf Madaale uu ku baxay falkaasi, isla-markaana uu ka tacsiyeynayo dhibkaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in koormeer kadib maamulka uu qaaday tallaabo deg-deg ah, wuxuuna tilmaamay in falkan loo soo xiray afar Injineer oo dhisay dhismaha soo dumay.

“Waxaa hadda xiran oo gacanta lagu hayaa oo saldhigga Howlwadaag ku xiran 4 Injineer oo labada guri ee dumista bilaabay iyagu dhisay ama gacanta ku haayay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabo adag laga qaadi doono Ijineerada lasoo xiray, isla-markaana aysan ogolaanin in la daadiyo dhiiga dadka shacabka ah.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho wuxuu ballan qaadayaa in muwaadin Soomaaliyeed oo naftiisii waayay ama dhiigiisii daatay inaan la’isaga hari doonin dhiigiisa qaabka uu ku daatay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka gobolka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in maamulka gobolka oo soo saari doono habraaco ay tahay inay maraan Injineerada iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha, si looga hortego dhibaayooyinka dhismayaasha oo sanadihii u danbeeyay kusoo badanayay Muqdisho.

Ugu yaraan waxaa goobta ku dhintay saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo iyo gabar ay dhashay oo marti ku ahaa guriga, iyo gabar kale oo isla qoyska kamid ah taas oo muddo kadib burburka laga soo saaray.

Ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay gudaha degmada Shangaani.

Ad
Previous articleAfar qarax oo saacad gudaheed ruxay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden
Next articleMuuse Biixi oo maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool iyo SSC oo Diyaar Garowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here