Home Wararka Maanta Muuse Biixi Cabdi oo qirtay jabkii dorraad kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde

Muuse Biixi Cabdi oo qirtay jabkii dorraad kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde

0

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qirtay jabkii dorraad kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Biixi ayaa sidoo kale ciidankiisa shalay laga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis. Hoggaamiyaha Somaliland aad ugama war-wareegin nuxurka, waxaase uu sheegay in dhibaatadaas shalay gaartay aanay wax badan u dhimi doonin awooddii iyo ujeedkii ciidanka Somaliland, waa sida uu hadalka u yidhi.

Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo ninka xukuma golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday baaq uu u dirayo reer Somaliland, kaasi oo ah midnimo.

Wuxuu u muuqday nin iska daminaya culeyska ka haysta buurta Gacan-Libaax, si uu ugu soo gacan banaanado dagaalka Laascaanood, wuxuu ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii shalay, oo ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka.

Muuse Biixi waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo cadadka khasaaraha dagaalka ee soo gaaray dhankooda iyo waxa soo dadajiyay jabka intaasi le’eg, wuxuuse qodobkaas uga gaabsaday inuu u saaray guddi wasiiro iyo xildhibaano ah oo soo baara sida ay wax u dhaceen.

Goojacadde ayaa aheyd halkii ay ciidamada Somaliland mudada dheer kasoo duqeynayay magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu ku cel-celiyay aargoosi iyo soo kabasho taas oo ka dhigan in Somaliland isku diyaarineyso dagaal rogaal celis ah, oo ay kusoo qaadeyso goobihii laga qabsaday dorraad.

Horay Biixi wuxuu u sheegi jiray inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxuu ku dhawaaqay aargoosi, taas oo soo afjareysa fariimihiisi hore ee u muuqday kuwo siyaasadeysan.

“Waxaa u sheegaya shacabka Somaliland in ciidanka Somaliland sidiisi yahay, dhibaato way soo gaartay laakiin xooggiisi, fikirkiisi, geesinimadiisa iyo dal jecelkiisa intiiba waa sidii, haddana wuu habeysan yahay oo dhibaatada deg deg beynu uga soo aargudan doonaa cadowga dhibaatadaasi naga soo gaartay,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa nala gudboon midnimo gudaheena ah, oo marka ay qaranka tahay in aan meel uga soo wada jeedno. Waxaa leeyahay wararka badan ee tashwiishka ah yaan dhag loo dhigin qarankii waa kan.”

Ad
Previous articleMaraykanka oo sheegay in 13 Alshabaab ah uu ku dilay duqeyn xagga cirka oo ku qaaday Koonfurta Soomaaliya
Next articleLiibaan Maxamed Yuusuf oonSi Arxan Daran u Dilay Xaaskiisa oo Xukun Adag lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here