Home Wararka Maanta Liibaan Maxamed Yuusuf oonSi Arxan Daran u Dilay Xaaskiisa oo Xukun Adag...

Liibaan Maxamed Yuusuf oonSi Arxan Daran u Dilay Xaaskiisa oo Xukun Adag lagu Riday

0

Maxkamada derajada koowaad ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay in dil aad looga argagaxay u geesteen gabar dhallinyaro aheyd oo kunooleed duleedka deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Axmed Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay maxkamadeyntooda ka socotay magaalada Gaalkacyo, waxaana labadan nin la horkeenay maxkamadda cadeymo muujinaya in dilka geesteen.

Maxkamadda ayaa dhageysi iyo doodo dheer oo akiiskan laga yeeshay kaddib ugu dambeyn labada nin ku riday xukun dil ah , oo ah qisaasta marxuumad Naciimo C/wali Cismaan oo si arxan darro ah toorey loogu dilay.

Labadan nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa mid kamid ah qabay gabadha marxuumada, waxaana la sheegay in khilaaf u dhaxeeyay darteed ninkan iyo ninka kale oo la socday u dileen gabadha oo reerkeeda xilligaasi la joogtay.

Ad
Previous articleMuuse Biixi Cabdi oo qirtay jabkii dorraad kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde
Next articleSSC oo Sheegtay inay Maxakamad soo Taagayso Taliye Faysal Cali Bootaan ee Jimcihii lagu Qabtay Goojacade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here