Musharraxa xisbiga talada ahaya Bola Tinubu ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinnimada Nigeria ee lagu murmay.
Ninkan oo 70 jir ah, isla markaana ah siyaasi ruugcaddaa ah ayaa helay 36% codadka, sida ay muujineyso natiijada saxda ah.
Ninkan ay sida weyn u loollameen ee Atiku Abubakar ayaa helay 29%, halka musharraxii xisbiga Shaqaalaha Peter Obi uu helay 25%. Axsaabtooda ayaa goor sii horreysay qaadacay doorashada, iyagoo dalbaday in lagu celiyo.
Mr Tinubu ayaa ku guuleystay inta badan codadka gobollada koofur-galbeed, halkaasoo looga yaqaannao “aabbaha siyaasadda”.
Hal-ku-dhiggii ololihiisa ayaa ahaa: “Waa markeyga”.
Doorashooyinkan ayaa ahaa kuwii ugu xamaasadda badnaa Nigeria tan iyo intii ay qaadatay nidaamka axsaabta badan sanadkii 1999.
Waa kuma Bola Tinubu?
Waa 70 jir u sharraxnaa xisbiga talada haya ee APC, oo lagu dhaliilay inuu Nigeria u horseeday dhaqaalo xumo iyo amni darro baahsan.
Tinubu oo ah siyaasi caan ah, ayaa lagu ammaanay hawshii uu ka qabtay magaalada Lagos markii uu ahaa barasaabkeeda, xilkaas oo uu ka degay 2007.
Waxa uu awood badan ku leeyahay gobollada koonfur galbeed, hase yeeshee si lamid ah Abubakar waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq, eedeyntaas oo uu beeniyay.
Dadka dhaliila ayaa sidoo kale sheegay inuu caafimaad ahaan liito, oo aanu ka bixi karin hawsha adag ee hogaaminta Nigeria, taasoo uu beeniyay.