Home Wararka Maanta Faysal Cali Waraabe oo Si layaab Leh uga Hadalay Dagaalka Kasocda Laasacaanood

Faysal Cali Waraabe oo Si layaab Leh uga Hadalay Dagaalka Kasocda Laasacaanood

0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay tahay in Somaliland u midowdo dagaalka Laascaanood, oo uu sheegay in ay ku soo qaadeen waxa ugu yeeray “wuxuushtii iyo xulufadii Kaligii Taliyihii hore ee Siyaad Barre”

“Qalalaasihii ka dhashay Arxan-darradii Muuse Biixi ee ka dhanka ahayd dad rayid ah oo si nabad ah u bannaan baxayey, waxa ay isu beddeshey imika dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, oo ay wadaan xulufadii keligii-taliyihii hore ee Siyaad Barre. Waa in aan isu tagnaa oo u midownaa sidii aan Somaliland u ga badbaadin lahayn wuxuushtaas isa soo bahaysatay.” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe

Bilowgii dagaalkan, dhammaan darafyada siyaasadda gudaha ee Somaliland ayaa isku raacay in layska kaashado difaaca Somaliland, oo ay waajib tahay.

Ad
Previous articleJiir laga helo Soomaaliya u fure u noqon karo xaalad caafimaad oo xal loo waayay
Next articleMusharraxii xisbiga talada haya oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Dalka Nigeria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here